Kooxda Manchester Utd ayaa cusboonaysiisay rabitaanka ay u qabtay xidiga daafaca kooxda Bayern Munich Philipp Lahm.
Philipp Lahm oo xulka Jarmalka kabtan u aha una hogaamiyay in dalkiisa kaalinta 3-aad ka galaan koobka adduunka ayaa waxaa si weyn ugu hanqal taagaya kooxo badan oo ka dhisan qaaradda yurub kuwaas oo doonaya in ay ku xoojiyaan xulkooda.
Kooxda Bayern Munich ayaa sidoo kale iyana doonaysay xidig u cayaara kooxda Manchester ee Ji-sung Park.
Ji-sung Park oo u dhashay wadanka Koofur Korea ayaa waxaa si weyn loola xiriirinayay koxda ah horyaalka Jarmalka ee Bayern Munich.
Philipp Lahm oo 26 jir ah ayaa doonayay kooxo ay kamid yihiin Barcelona,Inter,Ac Milan iyo kooxo kale.
Sidoo kale kooxda Manchester utd waxay iyana doonaysa daafaca kooxda Ajex Gregory van der Wiel.
Gregory van der Wiel, oo kamid ahaa xidigihii xulka Holland ee kaalinta 2-aad ka galay koobka adduunka ayaa kooxda Manchester utd waxay doonaysaa in xidigahan Gregory van der Wiel, iyo Philipp Lahm ay ku doonayso lacago oo uu dheer yahay xidig.
Sidoo kale kooxda Manchester utd waxay doonaysa xidiga kooxda Benfica ee Raul Meireles.
Manchester utd ayaa loolan kala kulmayso saxiixa xidigaan Raul Meireles oo ay sidoo kale Chelsea ay raadinayso.
Kooxda Chelsea oo aanan ka wal wal qabin ka tagista Ashley Cole ee Real Madrid.
Kooxda Chelsea ayaa sheegtay in ay aamin santahay in aysan waxbo u arkin ka tagista daafacooda Ashley Cole oo si weyn loola xiriirinayo kooxda Real Madrid.
Ashley Cole ayaa doonaya in uu is badal ka sameeyo dibadda isagoo ku biiraya koxda Real Madrid ee dalka Spain oo si weyn xidigaas u doonayso.
Cole oo si weyn ugu carooday warbaahinta gudaha ingiriska kadib markii si gooni ay ugu hadleen noloshiisa gaarka ah ayaa doonaya in uu isaga tago horyaalka Ingriiska gabi ahanba isagoo raba in uu ku biro horyaalka La Liga Spain oo aanan saxaafadda ka hadlin nolosha gaarka ah ee cayaartooyda.
Kabtan Iker Casilas ku guulaystay koobka adduunka ayaa sheegay in uu kalsooni ku qabo sidii xidigaan Ashley Cole uu u keeni lahaa kooxda Real Madrid ayaa ah shaqsi weyn ugu shaqeenayo sidii daafaca xulka ingiriiska uu u keeni lahaa magaaalada Madrid.
Kooxda Real Madrid oo dhawaan tababare u magacaawday Jose Mourinho.oo horey xidigaan u geeyay naadiga Chelsea kadib isagoo kala soo saxiixday kooxda Arsenal ayaa haatan wuxuu isna la dhacsan yahay imaatinka suuura galka ah ee Ashel Cole kooxda Real Madrid.
Ashley Cole oo 29 jir ah ayaa waxaa uu haatan fasax ku joogaa dalka MAraykanka waxaana ku wehliya dhamaan xidigaha kooxda Chelsea ee dalalkooda goor hore isaga haray koobka adduunka ayaa dib ugu soo laabanaynin xerada tababarka kooxda Chelsea ilaa 26-ka bishaan.
Sidoo kale xidigaha kooxda Chelsea ayaa iyaga dib ugu soo laaban doonna xerada tababarka kooxda Chelsea ee lagu magacaabo Cobham iyadoo John Terry oo xidigaan ay isla joogaan fasaxa dalxiiska ee dalka Maraykanka ayaa isaga dib ugu soo laaban doona magaalada London ee dalka Ingiriiska si uu diyaar ugu noqdo xerada tababarka ee kooxdaas oo lagu wargaliyay dhamaan in cayaaryahanada ay dib ugu soo laabtan inta uusan dhamaanin todobaadkan oo ku eg Axadda.
Xidigaha reer Afrika
Michael Essien and John Obi Mikel oo labadaba aanan ka cayaarin koobka adduunka sababo dhaawac oo soo gaaray xidigaahaan ayaa waxaa rajo laga muujiyay in ay cayaari doonaan kulanka ugu horeeya ee kooxda Chelsea la cayaarayso kooxda West Bromwich Albion 14 Augosto.
Emiliano Insua oo isaga tagaya Liverpool kuna biirayo kooxda Fiorantina.
Daafaca kooxda Liverpool Emiliano Insua ayaa lagu wadaa in uu ku biro kooxda Fiorantina ee dalka Talyaaniga.
Emiliano Insua ayaa ku biiraya kooxda reer Talyaani 48 saac ee soo aadan iyadoo labada koox ay ku hishiiyeen lacag dhan 5 milyan.
Daaafaca wadanka Argentina Emiliano Insua oo 21 jir ah ayaa waxay uu ka cayaaraya xiliga soo aadan horyaalka talyaaniga kadib markii uu cayaaro badan ka cayaari waaayay kulamaada kooxda Liverpool isago booskiisa waayay.
Ka tagista Emiliano Insua ayaa waxaa horey kooxdas ugu tagay xigaha Fabio Aurelio and Andrea Dossena,
Sidoo kale kooxda Liverpool aya fasaxday labo xidig oo da’yar kuwaas oo lagu kala magacaabo Francisco Duran and Nikolay Mihaylov.
Udinese oo sheegtay in aysan iibin dooninin Alexis Sanchez iyadoo xidigaan ay doonayso kooxo waaweyn.
Kooxda Uduneesa ee dalka Talyaaniga ayaa sheegtay in aysan fasixi doonin xidigeeda Alexis Sanchez kaas oo kooxo badan ay doonayaan.
Alexis Sanchez oo ay si weyn u doonaysaan kooxo ay kamid tahay Manchester utd iyo Roma.
Gudoomiyaha kooxda Udunesa Giampaolo Pozzo ayaa u sheegay wargayska Gazzetta dello Sport.in uusan iib ka ahayn Alexis Sanchez.
Alexis Sanchez oo 21 jir ah ayaa haatan fasax ku maqan waxana uu si weyn ugu soo muuqday koobka adduunka isagoo ka mid ahaa xidigihii xulka Chile ee koobka adduunka kasoo gaaray wareega 16-ka.
Alexis Sanchez ayaa waxaa uu u dhaliyay 5 gool 32 kulan oo uu u cayaaray horyaalka