Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

  Wararkii ugu dambeeyey iyo suuqa kala gadashada cayaartoyda

15.07.2010, deeyoo.com.

Kooxaha Inter iyo Juventus ayaa waxay isku heystaan xidiga qadka dhexe ee kooxda Bayern Munich Bastian Schweinsteiger.

Sida ay qortay jariiradda Tottomercato ayaa sheegaya in naadiga Juventis ay dareenkeeda u weecisay xidigaan Bastian Schweinsteiger kadib markii ay ku fashilantay doonisteeda ku aadan weeraryahanka koxda Wolfsburg Edin Dzeko.

Kooxda ah horyaalka yurub ee Inter ayaa iyana dalab u dirtay kooxda ah horyaalka yurub  ee Bayern Munich iyadoo ka doonayso Bastian Schweinsteiger.

Warar kale ayaa sheegaya in kooxda Fiorantina ay doonayso in Bastian Schweinsteiger ay gacanta ku dhigto iyadoo ka faa’ideysanayso baahida ay Bayern Munich u qabto Riccardo Montolivo oo Fiorantina oo Fiorantina u cayaara.

Massimo Morratti gudomiyaha koxda Inter ayaa sheegay in uu bankiga u jabin doonno Bastian Schweinsteiger sidii uu ku keeni lahaa. 

Naadiga Inter waxay doonaysaa in ay iibiso Mario Balotelli,isla markaana ay keento Bastian Schweinsteiger.

 

Dhinaca kale.

Kooxda Real Madrid ayaa u dhow in ay la wareegto daafaca kooxda Chelsea Ashley Cole.

Ashley Cole oo 29 jir ah ayaa waxaa si weyn ugu hanqal taagayso kooxda Real Madrid.

Kabtanka ku guulaystay koobk aduunka ee Iker Casilas ayaa sheegay in uu kalsooni ku qabo Ashley xiliga soo aadan uu ka cayaari doono.

Full story: the Sun

 

Dhinaca kale. 

Kooxda Chelsea ayaa waxay ka baxday doonistayda  in ay la saxiixato xidiga qadka dhexe ee kooxda Werder Bremen Mesuz Ozil.

Chelsea ayaa sheegtay in ay u wareejisay rabitaankeeda dhanka xidiga qadka dhexe ee xulka Jarmalka Sami Khedira oo 23 jir ah.

Sami Khedira oo u cayaaara kooxda Stuttgard ee dalka Jarmalka ayaa waxaa si weyn ula dhacay tababaraha kooxda Chelsea Carlo Ancheloti.

Full story: the Sun .

 

Kooxda Chelsea ayaa waxay doonaysa in ay kaga adkaato kooxaha ka dhisan magaalada Manchester ee City iyo Utd saxiixa Mario Balotelli.

Weeraryahanka wadanka Talyaaniga Mario Balotelli ayaa waxaaa lagu waday in uu ku biro kooxaha ka dhisan magaalda Manchester laakin waxa kusoo biiray tartanka kooxda Chelsea oo si weyn u raadinaysa xidigaan Mario Balotelli oo ay isku dhaceen tababaraha cusub ee kooxda Inter ahna tababarihii hore ee kooxda Liverpool Rafael Binitez.

Chelsea ayaa doonaysa in ay ugu adkaato kooxahan iyadoo adeegsanayso qiimo ka sareeya lacagaha ay ku doonaan kooxahan oo dhan 26 milyan laakin Chelsea ay soo bandhigtay 28 iyo wixi kale oo dheeri ah.si ay u hesho Mario Balotelli oo 19 jir ah.

Full story: Daily Star .

 

Xidiga qadka dhexe ee kooxda Liverpool Javier Mascherano ayaa waxaa uu doonayaa in uu kula biro kooxda Inter Tababrihisa hore Rafael Binitez.

Javier Mascherano ayaa horey u sheegay in uu ku riyoon jiray ku biirista Inter maalin.

Full story: Daily Mirror

 

Tababaraha cusub  kooxda Liverpool Roy Hodgson ayaa sheegay in uu doonayo weeraryaahnka kooxda Monaco.

Park Chu-Young oo 25 jir ah ayaa u dhashay wadanka Koofur Korea waxaana uu ku doonaya 6 milyan.

Full story: the Sun

 

Tababaraha kooxda Birmingham Alex McLeish ayaa waxaa uu diyaar u yahay in uu lasoo warego xidiga kooxda Liverpool Ryan Babel.

Ryan Babel oo u dhashay wadanka Holland ayaa waxaa lagu doonayaa 8 Milyan oo gini.

Full story: Daily Star

 

Tababaraha wadanka Ingiriiska Fabio Capello ayaa u sheegaya xirirka kubadda cagta ingiriiska F.A-ga in uu qeybta tababarka uu kusoo kordhin doonno  shaqsiyaadka kala ah Mauro Tassotti iyo Walter Zenga si ay u badalaan Stuart Pearce iyo Ray Clemence. 

Full story: Daily Star

 

Kooxda Fulham ayaa doonaysa in ay la saxiixato tabaabrihii hore ee kooxda Bayern Munich Otmar Hitzfeld. 

Otmar Hitzfeld oo 62 jir ah ayaa qandaraaska uu kula jiro xulka Switzerland.

(the Independent)

 

 

Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
 

00252615140242

 

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com