Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

  FIFA oo soo saartay qiimeynta 32ka ee ka qeyb galay koobka aduunka, Ingiriiska qiimeyntii ugu xumeyd taariikhdooda

 

14.07.2010, deeyoo.com.

Xiriirka kubada cagta adduunka ee Fifa ayaa qiimeyn ay soo saartay oo ku aadan heerka dalalkii 32 ahaa ee ka qeyb galay koobka adduunka ay dalka Ingiriiska ka galeen kalinta 13-aad.

Xulalka tababare Capello ayaa waqtigoodii ugu xumaa waxay horey ugu galeen kaalinta 11-aad iyadoo haatan dalkaan uu kusoo haray wareega 16-ka.

Koobkii aduunka ee 1958-dii ayay waxay galeen kaalinta 11-aad waxayna todobo kaalin ay ka hooseyaan darajadii qiimeynta ay ka galeen labadii koob adduun.

Ku guulaystayaasha koobka adduunka ee Spain ayaa galay kaalinta 1-aad,Holland 2-aad,Germany 3-aad Uruguay 4-aad.

Xulka ingiriiska oo ku guul daraystay in ay u soo baxan koobka adduunka sanadihii 1974, 1978 iyo 1994-tii ayaa haatan kaalinta ay galeen ay tahay mid aad u hooseyso.

Ingiriiska ayaa kazoo baxay guruub ay kula jireen dalalka Maraykanka,Slovenia iyo Algeria laakin waxaa 4-1 kaga badiyay dalka Jarmalka.

Koobkii adduunka ee 1958 ayay ingiriska galeen kaalinta 11-aad waxaana ka qeyb galay koobkaas 16 dal waxayna ahayd wayihii ugu xumaa ee ingiriiska iyadoo uu ku guul daraystay in uu kazoo baxo guruubyada sidoo kale 1950-kii ayuu kazoo bixi waayay guruubka.

Fifa aya koobka aduunka ka dhigtay 24 dalk 1982 iyadoo 1998 ay ka dhigtay 32 dal.

Sida caadiga ah afarta dal  ee soo gaara Seme Finalka ayaa gala afarta heer ee ugu sareysa.

Waxaa sidoo kale Argentina ay gashay kaalinta 5-aad ,Braziil 6-aad,Ghana 7-aad iyo Paraguay oo iyana gashay 8-aad.

Sidoo kale ingiriska waxaa ka saro maray dalalka Japan 9-aad,Chile 10-aad,Portugal 11-aad iyo Maraykanka oo 12-aad galay.

Iyadoo ku guulaystayaashii koobka adduunka 2006 ay galeen 26-aad,Faransiiska 29-aad.

Fiifa ayaa qiimeynta bilaha ah waxay soo saari doontaa Arbacada halka xulka ah horyaalka adduunka ee Spain ay kala wareegi doonaan Brazil kaalinta 1-aad.

Uruguay ayaa suura gal ah in ay kazoo dalacdo kaalinta ay kaga jirtay qiimeyntii lasoo dhaafay iyadoo 16-aad ka gashay,halka Ingiriiska uu 8-aad ka galay,Talyaaniga 5-aad iyo Faransiiska oo 9-aad ku jiray.

Hadaba waa kuwaan sida ay u kala galeen qiimeynta xulalkii 32-dal ee koobka adduunka oo Fifa ay soo saartay.

1 Spain,

2 Netherlands,

 3 Germany,

4 Uruguay,

5 Argentina,

6 Brazil,

7 Ghana,

8 Paraguay

9 Japan,

 10 Chile,

 11 Portugal,

12 United States,

13 England,

14 Mexico,

15 South Korea,

16 Slovakia

17 Ivory Coast,

18 Slovenia,

19 Switzerland,

 20 South Africa,

21 Australia,

 22 New Zealand,

 23 Serbia,

 24 Denmark

25 Greece,

26 Italy,

 27 Nigeria,

 28 Algeria,

29 France,

30 Honduras,

31 Cameroon,

32 North Korea.

Habada waa kuwaan kaalimihii hore ee xulka England uu ka galay koobabkii adduunka.

1950 wuxuu galay 8th), 1954 wuxuu galay (6th), 1958 wuxuu galay (11th), 1962 wuxuu galay (8th), 1966 wuxuu galay  1st), 1970 wuxuu galay (8th), 1982 wuxuu galay 6th), 1986 wuxuu galay (8th), 1990 wuxuu galay (4th), 1998 wuxuu galay 9th), 2002 wuxuu galay 6th), 2006 wuxuu galay  6th)

 

Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
 

00252615140242

 

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com