Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

  Halyeeyadii Spain oo dalkooda lagu soo dhoweeyey

13.07.2010, deeyoo.com.

Wadanka ah horyaalka qaarada Yurub iyo kan aduunka ee Spain ayaa caga dhigtay garoonka diyaaradaha magaalada Madrid ee dalka Spain kadib safar dheer oo ay kaga soo kicitimeen dalka Koofur Afrika.

Kabtanka xulka Spain oo noqday horyaalka Adduunka Iker Casillas, ayaa ahaa geesiga horkacayay xulka markii ay diyaaradda kasoo dagayeen.

Cayaaryahanada ayaa nasiino gaaban qaatay markii ay kasoo dageen garoonka diyaaradaha ka hor inta aysan u gudbin Hotelkii ay dagi lahaayeen iyadoo uu kusoo dhaweeyay garoonka Ra’iisul wasaaraha wadanka Spain Jose Luis Rodriguez Zapatero.

Inka badan saddex  milyan oo taageero qiireysan ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb qaataan damaashaadka lagu soo bandhigayo koobka adduunka oo Bas kor ka furan lagula mari doonno magaalada Madrid ee caaasimadda dalka Spain.

Socdaalkaas ayaa socon doonno ilaa labo saac iyadoo lagu soo gabo gabeen doono socdaalkaas Puente del Rey halkaas oo damaashaado ay ka socon doonaan habeenka oo dhan.

Taageerayaal badan ayaa ku soo dhaweeyay xulka wadanka Spain oo uu horkacayay Ra’iisul wasaaraha wadanka Spain garoonka Diyaaradaha Barajas oo ku yaala magaalada Madrid.

Diyaaraddii waday xulka Spain ayaa soo caga dhigtay 13:38 daqiiqo xiliga dalka Spain waxaana diyaaradda ku xar dhanaa calanka wadanka Spain oo dhanka dabada dambe uu calanka ka babanayay

Sidoo kale Diyaaradda ayaa waxaa ku qornaa Ereyo Spanish ah sida Campeones oo ay kala jeedaan Horyaal iyo Orgullosos de nuestra seleccion' oo la micno ah xulkeena wanaagsanaa.

Gool haye Casillas oo markii cayaarta dhamaatay farxad la ooyay ayaa kazoo dagay diyaarada isagoo ah hogaamiye run ah waxaana garabkiisa socday Tababare Del Bosque.

Waxaa kadib xulka la geeyay Hotel ku dhawaa garoonka diyaaradaha halkaas oo ay ku cunteeyen iyagoo xoogaa halkaas ku nastay iyagoo kadib  u dhaqaaqay Qasriga Boqortooyada Royal Palace iyadoo ay socdaalka ku wehliyee qaar kamid ah qoyska reer Boqor oo taageerayay inta xulka uu ku sugnaa Koofur Afrika. 

Kadib ayay u dhaqaaqayaan aqalka Ra’iisul wasaraha ee Moncloa Palace halkaas oo ay sidoo kale kula kulmayaan xukumadda dalka Spain maadaama aqalka Moncloa Palace uu yahay halka fadhiga u ah xukuumadda.

Horyaalka adduunka Spain ayaa ah markii ugu horeysay oo ay ku guulaysatay koobka adduunka kadib 1-0 ay kaga badiyeen xulka abaarta ka haysata koobka adduunka ee Netherlad.

 

 

Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
 

00252615140242

 

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com