Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

  Jarmalka oo galay kaalinta 3aad, Yurub oo markii labaad oo xiriir ah 1,2,iyo 3aad isku darsatay

Goolkii Khedira

11.07.2010, deeyoo.com.

Xulka Jarmalka ayaa 3-2 ku garaacay xulka Uruguay kulankii ay labada xul ugu tartamayeen kaalinta 3aad taasoo sanadkii labaad oo xiriir ah xulalka dalalka Yurub isku wada darsadeen kaalimaha 1aad, 2aad iyo 3aad ee koobka aduunka.

Xidiga qadka dhexe Sami Khedira oo asalkiisa kasoo jeeda dalka carbeed ee Tunisia ayaa noqday halyeygii Jarmalka markii uu dhaliyey goolka guusha 8 daqiiqo ka hor dhamaadkii cayaarta.

Qeybtii hore ee cayaarta ayey Thomas Müller oo Jarmal ah iyo Diego Forlan oo Ururguay ah kala dhaliyeen min hal gool taasoo usuura gelisay iney kusoo biiraan hogaanka tartanka gooldhalinta oo hada min 5 gool la wadaagaan David Villa iyo Wesley Snaijder oo kulanka finaalaha habeen dambe fursad u heysta iney keli ku noqdaan hadii ay gool dhaliyaan.

Thomas Müller oo 20 jir ah ayaan aad loo aqoon ka hor furitaanka koobka aduunka mana jirin cid ka sugeysay inuu goolal intaas ah dhalin doono isagoo noqday cayaaryahankii ugu da`da yaraa ee 5 gool ka dhaliya koobka aduunka marka laga reebo PELE halka xidiga kale ee Khedira oo aan laga sugeynin in hal kulan uu dhameysan doono wada cayaaray dhamaan kulamadii Jarmalka ee koobka aduunka.

Sami Khedira wuxuu fursadaan helay markii uu dhaawac dartiis xulka kaga baxay kabtankii Jarmalka Michael Ballack ayaa soo bandhigay cayaar aad loo jecleystay soona jiitay indhaha kooxaha waa weyn ee Yurub hase yeeshee ka hor kulankaan aan wax gool ah dhalin.

Guusha Jarmalka waxey noqoneysaa markii 4aad ee ay xulka Jarmalka galaan kaalinta 3aad halka xulka Uruguay ay markii 3aad ku guuldareysteen iney galaan kaalinta 3aad.

Kabtanka Uruguay Diego Forlan oo goolkii uu dhaliyey ahaa mid aad u qurux badan ayaa ilbiriqsiyadii ugu dambeeyey cayaarta birta ku dhuftay boloziyoone usuura gelin lahaa in waqti dheeraad ah lagu daro hase yeeshee ugu dambeyntii noqotay in 3-2 ku badiyaan xulka Jarmalka.

Kulanka weyn ee finaalaha koobka aduunka ayaa dhex mari doono xulalka Netherlands iyo Spain oo xulkii badiyaa markii ugu horeysay ku guuleysan doono koobka aduunka.

 

 

 

Asad A. Omar "afey"

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com