Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

  Spain oo ku guuleysatay koobka aduunka

Andres Iniesta

11.07.2010, deeyoo.com.

Kulankii finaalaha koobka aduunka oo ahaa mid adag oo xiisad iyo xamaasadba lahaa ayuu cayaaryahan Andres Iniesta noqdey halyeygii qaranka Spain markii uu goolka guusha oo qurux badnaa dhaliyey daqiiqadii 116aad  ee cayaarta ka dib markii ay 0-0 ku dhamaatay 90kii daqiiqo ee loogu tala galay.

Xulka Netherlands ayaa mar kale ku fashilmay sidii sanadihii 1974kii iyo 78kii iney badiyaan kulan finaale ah koobka aduunka.

Xulka Spain oo aan sanadkaan ka hor soo gaarin finaalaha koobka aduunka waxey noqdeen dalkii 8aad ee hanta koobka aduunka iyo dalkii ugu horeeyey ee reer Yurub oo koobka aduunka ku qaada meel ka baxsan qaaradooda.

Xulka Spain oo ka hor furitaankii koobka aduunka ahaa dalka sida weyn loogu saadaalinaayey hanashada koobka ayaa kulankii ugu horeeyey dhinacooda dhulka la dhigay markii xulka Switzerland ay 1-0 kaga badisay taasoo laga yaabo iney qeyb weyn ku leedahay guusha weyn ee usoo hoyatay reer Spain.

Xidigaha Spain waxey u muuqdeen kuwo aan la loodin karin iyadoo kulankii Switzerland uu hurdada ka toosiyey isla markaana ka dul qaaday cadaadiska iyo shambada saarneyd ee ahaa iney ku guuleysanayaan koobka, saxaafada Spain iyo weliba qaar badan oo ka tirsan xidigaha Spain ayaa kulankii laga adkaaday ka dib sheegay ineysan aheyn xulka sida weyn loogu saadaalinaayo hanashada koobka.

Guushaan taariikhiga ah ee hanashada koobka aduunka ka sokow Spain waxey dhigeen iskoor cusub oo ah dalkii ugu goolasha yaraa ee ku guuleysta koobka aduunka iyagoo guud ahaan 7 kulan dhaliyey 8 gool oo keliya.

Afartii kulan ee ugu dambeysay oo uu ku jiro kulankii finaalaha xulka Spain waxey ku badiyeen min 1-0.

Kulankaan oo labada dalba qiime weyn ugu fadhiyey waxey cayaaryahanda labada dal ku dadaaleen wax kasta oo ay ku hanan kareen koobka iyadoo 13 daqiiqo gudeheed uu garsoore Howard Webb bixiyey 5 jaale iyadoo ugu dambeyntiina uu finaalahan noqdey kii ugu kaararka badnaa oo guud ahaan la bixiyey 13 jaale oo uu ku jiro labo la siiyey John Heitinga oo sidaas garoonka looga saaray daqiiqadii 110aad.

Inkastoo finaalahaan noqdey kii labaad ee waqtigii caadiga ahaa goolal la`aan ku dhamaada hadana wuxuu ahaa kulan aad u xamaasad badnaa oo fursado qaali ahna iska cuneen labada dal waxaana ka xusi karnaa labo fursadood oo qaali ahaa oo uu midkood isaga iyo boortaha ka qasaariyey xulka Holland xidigooda Robben halka cayaaryahan David Villa uu dhankiisa cunay fursad aad u wanaagsan.

 

 

Asad A. Omar "afey"

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com