| Dhageyso |
 |
|
|
|
Barcelona iyo
Messi oo noqday kuwa ugu hadalhaynta badan saxaafada iyo
qubanayaal goos goos ah.

28.02.2010, deeyoo.com.
Xidiga ugu wanaagsan sanadkaan ee Lionel Messi
oyo kooxda uu u cayaaro ee Barcelona ayaa waxay noqdeen kuwo ugu
hadal heynta badan saxaafada Kubadda cagta waxaana ay ka saro
mareen kooxda Real Madrid oo mudo badan kaalinta 1-aad ku
jirtay.
Cilmi baaris ay sameysay jaamacadda cilmi baarista dhaqaalaha
iyo ciyaaraha ee University of Navarra ayaa waxay sheegeysaa in
saxaafadda ay si weyn u hadal heysay xidiga Messi iyo naadigiisa
Barcelona waxana uu hellay codad dhan 21.6.
Qiimeyntaan ayaa waxaa kaalinta labaad kasoo galay xidiga ugu
qaalisan caalamka ee C.Ronaldo oo u cayaara Real Madrid una
dhashay dalka Portugal waxaaa uu hellay 19.6 cod.
Qiimeyntaan ayaa kaalinta saddexaad xidiga u dhashay wadanka
Ingiriiska ee u cayaara kooxda Manchester utd waxaa uu hellay
13.6 cod.
Kooxda ah horyaalka Yurub iyo adduunka ee Barcelona ayaa waxay
kaalinta 1-aad ka gashay qiimeeyntaan waxaana ay heshay codad
dhan 96.6 cod waxaana ay ku mutaysatay lixda koob ee xiligaan ku
guulaysatay.
Kaalinta 2-aad ayaa waxaa galay kooxda ay isku dalka Yihiin ee
Real Madrid waxaana ay heshay 83 cod waxaana ay ku jirtay
kalinta 5-aad xiligii lasoo dhaafay.
Kooxda Manchester Utd ayaa waxay qiimeyntaan kasoo gashay
kaalinta 3-aad waxaaa ay heshay codad dhan 65.4 cod.
Naadiga Chelsea ayaa waxay gashay kaalinta 4-aad waxaana ay
heshay 59.7 cod
Ac Milan waxay gashay kaalinta 5-aad waxaana ay heshay codad
dhan 56.2 cod.
Liverpool oo ah kooxda ugu guulaha badan dalka Ingiriiska ayaa
waxay gashay kaalinta 6-aad iyadoo heshay codad dhan 49.1 cod.
Francesc Pujol oo ah qabiiir dhanka dhaqaalaha kana mid ahaa
cilmi baaristaan ayaa sheegay in qiimeeyntaan ay muujinayso in
kooxda Barcelona ay ka daqli badnaanayso kooxaha kale.
Real Madrid oo suuqa ku bixisay lacago dhan 250 milyan ayaa
waxaa ay soo iibsatay xidigo ay kamid yihiin 94 million euros oo
Ronaldo ay ku soo iibsatay , 67 million oo ay ku soo iibsatay
xidiga reer Brazil Kaka iyo 35 million oo midkiiba ku soo
iibisay xidigahaan kala ah Karim Benzema iyo Xabi Alonso.
Qiimeeyntaan ayaa shegaysa sidoo kale in kooxda Machester utd
iibintii ay iibisay Ronaldo ay ku lumisay taageerayaal badan
iyadoo 21 dal 13 kamid ah ay weysay taageerayashii ay ku lahayd.
Juventus oo
Amauri iibinayso
kooxda Juventus ee dalka Talyaaniga ayaa sheegtay in
ay iibinayso xidigeeda weerarka kaga cayaara ee Amauri.
xidigaan ayaa waxaa uu ku fashilmay kooxda reer Talyaani ee
Juventus isagoo xidigaan maqnaanshiihisa ay kooxda Juve la dhici
waysay mar uu ku maqan yahay calaamado iyo mar uu ku maqan yahay
dhaawac ayuu inta badan ku qaatay xiliga.
Amauri ayaa haatan garoomada kaga maqan dhaawac soo gaaray
isagoo la sheegay in uu maqnaanayo saddex ama Afar isbuuc.
Tababaraha cusub ee kooxda Juventus ayaa haatan suuqa ka
dalbanaya xidigo cusub oo badala xidigaan reer Braziil Amauri.
Kooxda
Barcelona oo hishiis la gaartay 'Korean Messi' ama Messiyaha
Korea.
Naadiga weyn ee wadanka Spain Barcelona ayaa waxaa ay
gacanta ku dhigtay xidig yar oo 13 jir ah.
xidigaan ayaa Barcelona waxay kaga adkaatay gacan ku dhigistiisa
kooxo badan oo Real Madrid ay ku jirto waxaaa xidigan uu u
dhashay wadanka K/Korea.
xidigaan ayaa lagu Tilmaamay
'Korean Messi' ama Messiyaha Korea.
warbixintaan oo ay qortay jariiradda Sport ayaa sheegeysa in
xidigaan ay hishiis Barcelona la gaartay waxaana lagu magacaabaa
Sheng Ho Park.
xidigaan ayaa waxaa looga yaqaanaa gudaha dalka Koofurta Korea
Messiya Koofurta Korea waxaana uu yahay mid durbo soo jiitay
indhaha caalamka.
Shirkadda farsameyso qalabka cayaaraha ee Nike ayaa waxay
hishiis xayaysiin ah la gashay xidigaan oo ay u aragto mid
mustaqbal ku leh caalamka kubadda cagta.
Sheng Ho Park.ayaa soo bandhigay cayaaro wanaagsan waxaana uu
soo jiitay wakiilo badan isagoo Tababar la qaatay kooxda Ciutat
Esportiva Todobaadyadii lasoo dhaafay.
xidigaan waa mid ka cayaara weerarka iyadoo haatan xidigaan ay
gacanta kusoo dhigtay kooxda Barcelona oo taageero ku leh iyada
iyo xidigeeda Messi dalka K/Korea.
Sheng Ho wuxuu ku biiri doonaa kooxda Juunyarka Barcelona marka
xili uu dhamaado.
kooxda
Juventus oo Ribery Doonayso.
naadiga weyn ee wadanka Talyaaniga Juventus ayaa
waxay u hanqal taageeysaa xidiga u dhashay wadanka Fransiiska ee
Frnk Ribery.
xidigaan oo kooxo badan ay doonayaan ayaa lagu soo waramayaa in
Juventus ay loolanka dib ugu soo biirtay iyadoo Tababaraha cusub
ee kooxda Juventus uu ku wargaliyay madaxda Juventus in ay lasoo
wareegaan xidigaan.
Ribery waa xidig Muslim ah u dhashay dalka Faransiiska waxaana
doonaya kooxo badan oo ay kamid yihiin Real
Madrid,Barcelona,Chelsea,Manchester City,Inter iyo kooxo kale
kuwaas oo mid kasta iska diiwaan galiyay saxiixa xidigaan.
kooxda ugu culus ama suura galka ah in uu ku biiro xidigaan ayaa
ah Real Madrid waxaana ay kooxdaas ku sigatay in ay gacanta
kusoo dhigto bilawgii xiligaan.
inkastoo ay jiraan dalabyadaan ayaa hadan war kasoo baxay qaar
kamid ah madaxda sar sare ee kooxda Bayern Munich oo xidigaan
leh milkiyadiisa ayaa sheegay in ay rajo ka qabaan in ay ka
saxiixaan hishiis cusub oo kooxda uu ku sii sugnaado.
Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
002521-5140242
deeyoo_edit@hotmail.com
|

Halkan
riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore
|