Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

 

Kooxaha ku dagaalamaya hanashada horyaalka Ingiriiska oo isku soo dhawaaday iyo xiisihiisa oo sii kordhay.

28.02.2010, deeyoo.com.

Waxaa cirka isku sii shareeray xiisaha horyaalka Ingiriiska kadib markii ay kooxaha hogaanka haya aad isugu soo dhawaadeen, farqiga u dhexeeya 3da kooxood ee ugu horeeya ayaa ah 3 dhibcood kaliya.

Arintan ayaa timid kadib markii ay Manchester united 3 gool uga soo badiyeen West Ham, Chelsea looga adkaaday 4 gool iyo 2 iyo ugu danbeyn Arsenal ay 3 gool iyo 1 uga adkaadeen kooxda Stock City, inkasta oo ay ciyaartan hareysay dhacdo aad u fool xun kadib markii uu Aaron Ramsey ka jabay lugta oo loola cararay Isbitaal.

Chelsea oo hadda hogaanka ku haysa 61 dhibcood, waxaa xiga Manchester Utd oo leh 60 dhibcood halka ay Arsenal aruursatay 58 dhibcood, kooxda kusoo xigta oo ah Manchester City ayaa leh 49 dhibcood, waxa uuna tartan xagga kaalinta 4aad ah kala dhexeeyaa Tottenham oo leh 46, Liverpool oo leh 45 iyo Aston Villa oo leh 45.

Sadaxda kooxood oo ugu horeeya horyaalka ayaa wada ciyaaray min 28 kulan oo waxaa u harsan kooxdiiba 10 ciyaarood, laakiin kooxaha kusoo xiga ayaa ciyaaray min 27 ciyaarood, waxaana la dhowrayaa kulamada dhex maraya Tottenham iyo Everton iyo sidoo kale Liverpool iyo Bluckburn, labadan kulan ayaa waxaa laga sugayaa kooxda kusoo dhawaata Manchester City ee ka cariirsata kaalinta 4aad oo muhiim u ah ka qeyb galka horyaalada yurub ee Champions League.

Horyaalka sanadkan ayaa la dhihi karaa wuxuu noqonayaa kii ugu adkaa mudooyinkii ugu danbeeyay, sababta ayaa laga arki karaa sida ay kooxuhu isugu dhaganyihiin iyo guuldarooyinka ay la kulmayaan sanadan, Chelsea oo hogaanka haysa ayaa laga badiyay 5 kulan, halka Manchester Utd iyo Arsenal laga badiyay min 6 kulan. Manchester City ayaa ah kooxda uga yar inta laga badiyay oo waxaa dhinacooda dhulka la dhigay kaliya 4 jeer, laakiin waxa iyagana madaxa xanuujiyay barbardhac aad u badan oo gaaraya ilaa 10 jeer.

Dhanka gool dhalinta waxaa sanadkan aad loola yaabanyahay weeraryahanka United ee Weyn Rooney oo hogaanka ku haya 23 gool welina ay u harsanyihiin 10 kulan oo uu ugu yaraan dhalin karo 5 gool, tani waxa ay noqoneysaa bog cusub oo u furmay xiddigan dhalinyarada ah oo markii hore caan ku ahaa shaqadiisa garoonka laakiin hadda lasoo baxay miciyo halis ah oo argagax geliyay difaacyada waaweyn ee horyaalka Ingiriiska. Hadii uu ku guuleysto gool dhalinta horyaalka, waxaa kale oo jirta inuu ku guuleysanayo qamaar uu la galay tababarihiisa Ferguson oo ahaa hadii uu gaaro goolal dhan 24 inuu bixinayo lacag aan la sheegin qiimaheeda, laakiin hadii uu gaari waayo uu isna waa Rooney uu bixin doono lacag lamid ah. Waxaa muuqata hadda in laga adkaan doono tababaraha maadaama uu Rooney hadda haysto 23 gool waxa u dhimana waa 1 gool kaliya.

Drogba ayaa kusoo xiga oo isna dhaliyay 19 gool, inkasta oo uu maqnaa kulamo dhowr ah markii uu ka qeyb galayay ciyaarihii Afrika ee lasoo gabagabeeyay dhawaantan. kaalimaha kusoo xiga ayaa ah sidatan Jermain Defoe oo dhaliyay 16 gool, Carlos Tevez iyo Darrent Bent oo leh min 15 gool, halka uu Fabregas ka dhaliyay 13 gool.

Waxaa diyaariyay

Mohamed A O (Deeq)

deeyoo_admin@hotmail.com

 

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com