| Dhageyso |
 |
|
|
|
Weyne Bridge oo diiday inuu ka dhinac
cayaaro Terry, labada cayaaryahan oo fadeexada ka dib markii ugu
horeysey berito kulmaya iyo qubanayaal kale oo isboorti

Terry iyo Bridge 26.02.2010, deeyoo.com.
Warar dheeraad ayaa kasoo baxaya qilaafkii dhex
maray Terry iyo Bridge ee ku aadanaa gabadhii ay kala tageen
Terry ee Vinessa waxana Bridge uu sheegay in uu doorbidaayo in
uu gabi ahaanba ka haro xulka ingiriiska ee ka qeyb qaadanaya
koobaka adduunka.
xidigaan ayaa sheegay in ay dhibayso in meel isla joogaan ninka
uu ku tilmamay qayaanoole u dib dhaafay guriigiisa.
Macalinka Ingiriiska Capello ayaa sheegay
inuusan weli ka rajo dhigin in Bridge ka mid noqdo xidigaha
Ingiriiska ugu qeyb gelaayo koobka aduunka hase yeeshee uu
xushmaynayo hadii uu go`aankaas ku adkeysto.
Weyne Bridge iyo John Terry oo fadeexadaan ka
hor ahaa saaxiibo isku dhaarta ayaa markii ugu horeysey berito
kulmaya marka ay kooxaha Chelsea iyo Man. City ku kulmaan
garoonka Stamford Bridge kulan ka tirsan horyaalka Ingiriiska
waxaana lasii saadaalinayaa in Weyne Bridge uusan gacan qaadi
doonin saaxiibkiis hore marka ay xidigaha labada koox is gacan
qaadayaan.
*********************************************************************
kooxda Arsenal ayaa waxay indhaha ku haysaa
xidig 18 jir ah oo ka cayaara wadanka Holland.
xidigaan ayaa waxaa lagu magacaaabaa Christian Eriksen kaasi oo
horumar ku sii talaabsanaayo.
kooxda Gunners-ka ayaa waxay ku tilmaameen in uu yahay Dennis
Bergkamp-ka cusub ee kooxda Arsenal.
xidigaan Christian Eriksen ayaa waxaa uu u cayaaraa Naadiga Ajex
waana kubad sameeye wanaaagsan.
Tababaraha kooxda Arsenal ayaa si weyn ugu hanqal taagayo in uu
lasoo wareego xidiga caalamiga wadanka Denmark kaasi oo
xirfadiisa cayaareed kasoo bilaabay Odense ka hor inta uusan u
soo dhaqaaqin dalka Netherland.
xidigaan ayaa qandaraaska uu kula jiro kooxda Ajex waxaa ugu
harsan hal sanno.
Eriksen ayaa waxaa horey uu tababaro ula qaatay kooxaha Chelsea
iyo Barcelona oo la sheegay sidoo kale in ay doonayaan.
kooxda Arsenal ayaa sidoo kale dalan u dirtay xidig u dhashay
Iceland oo lagu magacaabo
Ingolfur Sigurdsson kaasi oo 17 jir ah waxaa kaloo
doonaya kooxda Manchester.
*******************************************************
Naadiyada Manchester iyo Arsenal ayaa waxay doonayaan xidig u
dhashay dalka Guinea.
xidigaan ayaa lagu magacaabaa Kamil Zayette waxaana sidoo kael
doonaysa kooxda Hull laakin loolanka ugu xoogan ayaa waxaa uu
dhexmarayaa kooxaha Chelsea,Arsenal iyo Manchester utd kuwaas oo
si weyn ugu hanqal taagaya saxiixa xidigaan reer Afrika.
********************************************************
xidiga qadka dhexe ee kooxda Barcelona Yaya Toure ayaa waxaa uu
gaashaanka ku dhuftay wararka sheegaya in uu ku biirayo
horyaalka Ingiriiska.
xidigaan ayaa waxaa iska diiwaan galiyay saxiixiisa kooxo badan
oo ka dhisan dalka Ingiriiska sida Manchester City iyo Arseal
kuwaas oo mid kasta goonidiisa u doonaya.
xidigaan ayaa si weyn waxaa loola xiriiriyaa kooxa Arsenal
iyadoo doonista Arsenal ay ku xeran tahay ama ay barcelona ku
wargallisay in uu qeyb ka noqdo hishiiska xidiga qadka dhexe ee
koxda Arsenal Febrigas kaasi oo si weyn ay u doonayso kooxda
Barcelona oo uu ka tirsan yahay xidiga reer Afrika ee Yaya
Toure.
*********************************************************************
Tababaraha wadanka Ingiriiska Fabio Capello ayaa waxaa uu ka
qeyb galayaa daawashada kulanka dhexmaraya John Terry iyo Bridge
ee ka dhacaya garoonka kooxda Chelsea.
*********************************************************************
Tababaraha kooxda Manchester utd Fergusen ayaa sheegay in uu
aamin sanyahay in Ferdinand uu boos joogto ah ka heli doonno
koobka adduunka.
xidigaan oo xiligaan kulamo yar saftay marka loo eego waayihiisa
hore ayaa qal qal ku jira booskiisa xulka ingiriiska ee koobk
adduunka.
*********************************************************************
Ferdinand ayaaa ka maqnaanaya Finalka koobka Carling Cup-ka
kadib markii xidigaan uu dhabarka dhaawac uu kasoo gaaray.
xidigaan ayaa sidoo kale u muuqda mid ka maqnaan doonno kulanka
saaxiibtinimo ee dalka Ingiriiska uu la cayaarayo xulka ah
Horyaalka Afrika ee Masar.
*********************************************************************
weeraryahanka kooxda Arsenal Van Bersie ayaa rajo laga muujiyay
in uu dib garoomada uu ugu soo laaban doonno.
Tababaraha wadanka Holland Bert Van Marwijk ayaa u sheegay war
fidiyeenada in xidigaan uu cayaarayo bisha Aprill.
xidigaan ayaa waxaa soo gaaray dhaawac bishii November kol uu
gudanayay waajibaadka xulka qarankiisa isagoo ku dhaawacmay
kulan saaxiibtinimo oo dhexmarayay dalalka Talyaaniga iyo
Holland isagoo ay isku dhaceen daafaca wadanka Talyaaniga iyo
naadiga Juventus Chellini.
*********************************************************************
Tababaraha wadanka Portugal Carlos Quiroz ayaa sheegay in Wayne
Rooney uusan gaarin xidiga reer Portugal ee Ronaldo.
Macalinkaan ayaa sheegay in wax badan ay u harsanyihiin xidigii
hore ee kooxda Everton Rooney.
*********************************************************************
xidigii hore ee kooxda Liverpool Jermaine Pennant ayaa loo direy
gurigiisa kadib markii uu kasoo daahay Tababarka.
xidigaan oo u cayaara kooxda Real Zaragosa ayaa kasoo daahay
Tababarka tiro saddex jeer ah muddo labo todobaad gudahood.
*********************************************************************
Axmed Mooge
Xafiiska Deeyoo Muqdisho
axmed_mooge@hotmail.com
002521-5140242
deeyoo_edit@hotmail.com
|

Halkan
riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore
|