|
Inter oo ka badisey Chelsea, CSK Mosko
iyo Sevilla oo is mari waayey
25.02.2010, deeyoo.com.
Kooxda hogaanka u haysa horyaalka Talyaaniga
Inter ayaa 2-1 ku dhufatay kooxda dhankeeda hogaamineysa
horyaalka Ingiriisk Chelsea wejiga koowaad kulankii xiisaha
badnaa ee ku dhex maray magaalada Milano.
Kulankaan oo xiisahiisa iyo ka sheekeyntiisaba
bilaabataya cayaarta ka hor maadaama uu Tababate Mourinho markii
ugu horeysay kasoo horjeesanayey xidigihii iyo taageerayaashii
reer Chelsea oo uu mar halyey u ahaa ayuu tusay inuu weli
xushmad weyn u hayo maadaama uusan u dabaaldegin markii ay Inter
heshay goolkii 1aad daqiiqadii 3aad ee cayaarta.
Cayaaryahan Milito ayaa intuu kubada si
wanaagsan uga farsameystay kabtanka Chelsea Terry si macaan
shabaqa ugu hubsaday hogaankiina u dhiibay kooxdiisa Inter.
Chelsea ayaa bilowgii qeybtii hore heshay gool
bareejo ah markii uu kubad joog hoose ah si maskaxeysan boortaha
Inter u daba mariyey Salomon Kalou cayaartiina ka dhigay min hal
gool hase yeeshee 4 daqiiqo ka dib goolkii Chelsea ayuu
Cambiasso helay labo fursadood markii tii hore laga badbaadiyey
ayuu darbadii dambe oo aad u xooganeyd shabaqa ku ruxay
guushiina faraqa ugu riday kooxda Inter iyo tababare Mourinho.
Labo todobaad ka dib ayey labadan koox mar kale
isku arki doonaan magaalada London markaasoo kooxdii badisa isku
darka labada kulan usoo gudbi doonto querter finaalaha tartanka
weyn ee Champions League oo lasii saadaalinaayo inuu noqon doono
kulan aad ugu xiran mustaqbalka tababare Mourinho oo hadii uu ku
guuldareysto inuu kooxdiisa guul u horseedo tartankan uu
shaqadiisa weyn doono maadaama goor horeba ay Inter isku
xigsatay horyaalka Talyaaniga sababta loo shaqaaleysiiyey
Mourinhona ay aheyd inuu soo afjaro koob la`aanta horyaalada
Yurub oo ay ka soomanaayeen 45 sano.
Kulankii 2aad ayaa caawa dhex maray kooxaha CSK
Mosko iyo Sevilla oo bareejo min hal gool ah kusoo dhamaaday.
Asad A. Omar "afey"
deeyoo_edit@hotmail.com
|