|
Warbixin
ka hadleysa Gudoomiyaha Fifa, Sepp Blatter iyo go'aamidiisii la
yaabka lahaa.

17.02.2010, deeyoo.com.
Ninka madaxda ka ah kubadda cagta aduunka FIFA
Sep Blatter ayaa ku caan baxay in uu warbaahinta lasoo istaago
waxyaabo ama ereyo aad looga doodo dibna ugu soo noqda isaga,
dadka qaar ayaa ku macneeyey in ay ka tahay is tustus ama jees
jees halka qaarna ay ku tilmaamaan nin aan ka fiirsan waxa uu ku
hadlo.
Haddaba anaga oo dib u fiirineyna waxyaabihii
ugu yaabka badnaa ee uu Blatter ka sheegay warbaahinta ayaan
idiin soo xulnay 10 kamid ah kuwii ugu caansanaa amaba ugu
yaabka badnaa.
10. Sanadkii 2007 ayuu Blatter meel lasoo
istaagay in ay Fifa ka fekereyso mamnuucidda in lagu ciyaaro
meel jooga dhulku uu aad uga sareeyo 2500 mitir, isaga oo si
gooni ah bartilmaameed uga dhiganayay dalka Ecuador oo
caasimadiisa Quito ku taal dhul aad u sareeya, hadalkan ayaa
dhaliyay dood aad u badan. Jawaabtii ugu kulueydna waxaa bixiyay
Maradona oo sheegay in shacabka Ecaudor lagu ciqaabayo sababta
ay u dageen meeshaas, balse Maradona ayaa Blatter u sheegay in
uu Ilaahey weydiiyo sababta uu dadka Ecaudor u dajeyay dhulkaas.
9. sanadkii 2009 Blatter oo ka hadlayay
dhacdadii ay xulka Ireland uga hareen koobka aduunka ee 2010ka
kadib goolkii ay faransiisku ka dhaliyeen oo uu Henry gacanta la
kaashaday, waxa uu Blatter sheegay in ay lasoo xiriireen reer
Ireland oo ay codsadeen maadaama qalad lagu reebay ay doonayaan
in la siiyo boos dheeri ah si ay uga qeyb galaan koobka aduunka
oo laga dhigo dalka 33aad, Blatter ayaa si jees jees ah u yiri
"Waa ay ogyihiin in waxaasi dhacayn, oo ay Fifa ku taagantahay
go'aankii garsooraha, gacanta uu Henry isticmaalayna ahayn wax
lala yaabo maadaama aan aniga xitaa isticmaali jiray
xilligii aan ciyaari jiray" . hadalkan ayaa aad uga xanaajiyay
dalka Ireland sheegayna in ninkani u baahanyahay dawo xaga
maskaxda ah.
8. 2009. In uu isagu lahaa fikirkii ka danbeeyay
sida ay isugu aadayaan wadamadii kusoo baxay kaalimaha 2aad
tartankii iskala reebka koobka aduubnka ee qaaradda Yurub, kadib
markii la go'aamiyay in wadamado ay isugu aadayaan sida ay ugu
kala horeeyaan (Ranks) ama darajooyinka ay Fifa u bixiso bil
walba dalalka aduunka. Go'aankan ayaa si aad ah uga careysiiyay
dalalka Slovenia, Ireland, Ukrain iyo Bosnia oo lagu kala
aadiyay dalal kaga horeeyay xagga darajooyinka Fifa sida Ruuska,
Giriiga, Portugal iyo Faransiiska, khubaro iyo warbaahinta
caalamka ayaa go'aanka u fasiray inuu Blater naas nuujin u
sameynayay dalalka waaweyn.
7. 2008. Blatter ayaa warbaahinta u sheegay
farqiga u dhexeeya isaga iyo ninka maamula kubadda cagta
Ingiriiska oo la yiraahdo Richard Scudamore isaga oo yiri ninkan
la yiraahdo Richard waxa uu u shaqeeyaa sidii uu rootigiisa usoo
dhacsan lahaa amaba uu lacag badan u heli lahaa, laakiin aniga
waxaan u shaqeeyaa sidii aan u horumarin lahaa kubadda cagta iyo
is dhexegalka bahweynta dunida.
6. 2008. Blatter oo iska dhigaya nin la
dagaalaya Corroption ama wax is daba marinta si loo helo sport
caafimaad qaba ayaa hadana dalka yar ee Dominica ku qasbay
in ay mar kale soo doortaan Patrick John oo dhibaatooyin fara
badan ka geystay dalkaas, tusaale ahaan isaga oo xukumi jiray,
mar isku dayay inuu afgambi kusoo celiyo xukunkiisii, xabsi ku
muteystay falkaas iyo kuwo ka danbeeyay, hadana Blatter ayaa
arimahaas oo dhan iska indha tiray si uu gacan qabto saaxibkiis
Patrick John .
5. 2008. Waxa uu markan faraha la galay xiriirka
u dhexeeya ciyaariyahan iyo kooxdiisa markii Cristiano Ronaldo
oo waagaa u ciyaarayay Manchester Utd ku tilmaamay nin ku jira
adoonsiga casriga ah, kadib khilaaf yar oo soo kala dhax galiyay
Ronaldo iyo kooxdiisa oo isku fahmi waayay sidii uu ugu wareegi
lahaa Real Madrid, hadalkan ayaa si aad ah u gilgilay maamulka,
ciyaartoyda Manchester iyo weliba daafaha dunida dacaladeeda.
Waxaase kasii yaab badneyd markii uu hadana mar danbe beeniyay
inuu sidaa yiri.
4. 2006. Blatter ayaa xulka Italia ku tilmaamay
khaa'imiin kadib kulan ka tirsanaa koobkii aduunka ee 2006 oo ay
Talyaanigu rigoore kaga badiyeen Australia, Blatter ayaa sheegay
in Australia xaq u lahayd in ay soo baxdo, Talyaaniguna Khiyaano
sameeyeen, waxaase ugu sii darneyd markii la soo gaaray
Finalihii koobka Aduunka oo ay Talyaanigu ka badiyeen
Faransiiska in Blatter ka cararo goobtii bilad qeybinta si uu
uga fogaado in gacantiisa uu bilad ku siiyo ciyaartoydii
guuleysatay ee Talyaaniga, waxaa lagu xantaa nin aad u neceb
dadka Talyaaniga ah.
3. 2008. Mar uu rabay inuu sabaatiyo ka
diyaarsado qaniisyada (homofil) ayuu dhulka ku jiiday
dumarka, isaga oo arintaa ka hadlaya ayuu yiri "Waxaa jira
ciyaartoy badan oo laga roonayaal ama qaniisiin ah, laakiin ma
rabaan in ay banaanka soo istaagaan oo ay is muujiyaan ayaga oo
ka baqaya in la aqbali waayo ama la aflagaadeeyo, balse waxa
jira in ay hadda ka bilaabeen tartan iyaga u gaar ah Latin
Amerika" markii uu intaas yiri ayuu hadalkiisii kusoo xiray "
iska daa in la cunsuriyeeyo ee waxa ayba ka caansanyihiin
dumarka".
2. Blatter oo markan rabay inuu wax ka
yiraahdo fadeexaddii John Terry ayaa yiri "Bal fiiriyo ! hadal
hayntan iyo buun buunintan waa wax lagu yaqaan ama caada u ah
dadka Anglosaksiska ah (dadka daga galbeedka iyo waqooyiga
yurub) hadii ay tan oo kale ka dhici lahayd tusaale ahaan Latin
Amerika way u sacba tumi lahaayeen" hadalkan kadib dad badan
ayaa la yaabay ninkan iyo waxa afkiisa kasoo baxa mar walba.
1. 2004. Blatter ayaa markan furka ku tuuray
kubadda cagta ay dumarka ciyaaraan, isaga oo sheegay in wax laga
badalo hab labiska dumarka oo ay iska daayaan dharka waaweyn
sida kan ragga oo kale oo ay soo xirtaan dhar ku dhagan jirkooda
oo hadana aad u gaagaaban si ay usoo jiitaan indhaha dadka
fiirsanayo oo uu malaha ula jeedo ragga. Dadka qaar ayaa ku
fasiray in kubadda cagta dumarka loo galiyo dharka ay xirtaan
hablaha ciyaara Volley Ball ama kubadda laliska oo ah dhar
runtii u eg qaawnaasho maadama ay xiranyihiin dhar qariya kaliya
xabadka iyo xubnaha taranka hoose.
hadaba saaxiibayaal waxaa jira hadalo kale oo
aad u fara badan laakiin waxaan idiin soo xulnay kuwii ugu
badnaa ee dhaliyay doodaha sport dhaqan dhaqaale.
Blatter oo 73 jir ah waxa uu u dhashay dalka
Switzerland waana madaxweynihii 8aad ee Fifa oo uu la wareegay
xilkeeda sanadkii 1998kii.
waxaa diyaariyay.
Mohamed A O (Deeq)
deeyoo_admin@hotmail.com
deeyoo_edit@hotmail.com
|