|
Drogba oo ku baashaalay Arsenal una
horseeday kooxdiisa iney soo ceshtaan hogaanka horyaalka

Drogba 07.02.2010, deeyoo.com.
Didier Drogba ayaa dhaliyey labada gool ee
Chelsea markii ay 2-0 ku garaaceen kooxda ay isku magaalada ka
dhisan yihiin ee Arsenal kulankii adkaa ee maanta ku dhex maray
garoonka Chelsea ee Stamford Bridge.
Drogba oo inta badan ay u saaran tahay marka uu
la cayaarayo Arsenal ayaa kulankaan ka hor 10 gool ka dhaliyey
Arsenal 9kii kulan ee ugu dambeysay isagoo mar kale noqday
farqiga u dhexeeya labada koox qal qal iyo isku dhex yaacna
geliyey difaacii Arsenal.
Kabtanka Chelsea John Terry oo maalmahaan
saxaafada aad u hadal hayeen fadeexadii gogol dhaafka ee
jaceylkii hore ee Weyne Bridge oo qaranka iyo kooxda Chelsea
kawada tirsanaayeen si gooni ahna saaxiib aad isugu dhow u
ahaayeen ayaa koorno lasoo gamay madax ugu sii gudbiyey Drogba
oo si fudud shabaqa ugu luxay daqiiqadii 8aad ee bilowgii
cayaarta.
Drogba ayaa mar kale shabaqa la helay goolkii
2aad ee cayaarta rubi saac ka dib goolkii hore markii ay Arsenal
ku fashilantay iney dhaliyaan gool bareejo ah ka dib weeraro
culus oo ay kusoo qaadeen goolka Chelsea, xidigaha Chelsea ayaa
weerar koontaro ah kasoo bilaabay afka goolkooda ayuu ugu
dambeyn Frank Lampard baas usoo dhigay Drogba oo intuu kubada ka
farsameyso dhowr daafaca Arsenal si maskaxeysan u daba mariyey
boortaha Arsenal.
Drogba oo kulankaan ahaa xidigii garoonka ayaa
aad ugu dhowaa inuu dhaliyo goolkiisa 3aad markii uu birta ku
dhuftay boliziyoone uu kasoo gamay qiyaastii 20 mitir meel u
jirta goolka Arsenal hase yeeshee labada ayaa ku filnaatay
Chelsea iney dib ula wareegto hogaanka horyaalka oo Manchester
United si kumeel gaar ah usii heysay markii ay 5-0 ku duugeen
kooxda Portsmouth oo iska dhalisay 3 ka mid ah goolasha
halka labada kale ay kala dhaliyeen xidiga hogaanka u haya
tartanka gool dhalinta Weyne Rooney iyo Berbatov.
Guuldaradaan ayaa u eg in ay banaanka ka dhigtay
Arsenal loolanka loogu jiro hanashada horyaalka iyadoo Arbacada
ay isku dhegan yihiin kooxda Liverpool oo hadii aysan badin toos
uu tareenka uga tagaayo inkastoo macalinka Arsenal Wenger diiday
inuu ka rajo dhigo horyaalka isagoo mar kale ku celiyey in
kooxaha ka horeeya ay mar kale dhibco lumin karaan kulamada soo
socda.
Kala horeynta
kooxaha:
| 1 |
Chelsea |
25 |
18 |
4 |
3 |
60 - 20 |
58 |
| 2 |
Manchester U. |
25 |
18 |
2 |
5 |
61 - 20 |
56 |
| 3 |
Arsenal |
25 |
15 |
4 |
6 |
60 - 30 |
49 |
| 4 |
Liverpool |
25 |
13 |
5 |
7 |
43 - 26 |
44 |
| 5 |
Tottenham |
25 |
12 |
7 |
6 |
45 - 25 |
43 |
| 6 |
Manchester City |
23 |
11 |
8 |
4 |
45 - 32 |
41 |
| 7 |
Aston Villa |
24 |
11 |
8 |
5 |
31 - 18 |
41 |
| 8 |
Birmingham |
24 |
10 |
7 |
7 |
24 - 24 |
37 |
| 9 |
Everton |
24 |
8 |
8 |
8 |
33 - 35 |
32 |
| 10 |
Fulham |
25 |
8 |
7 |
10 |
27 - 28 |
31 |
| 11 |
Stoke |
23 |
7 |
8 |
8 |
22 - 26 |
29 |
| 12 |
Blackburn |
25 |
7 |
7 |
11 |
25 - 43 |
28 |
| 13 |
Sunderland |
24 |
6 |
7 |
11 |
31 - 41 |
25 |
| 14 |
Hull City |
25 |
5 |
9 |
11 |
25 - 50 |
24 |
| 15 |
Burnley |
24 |
6 |
5 |
13 |
25 - 47 |
23 |
| 16 |
Wigan |
23 |
6 |
5 |
12 |
25 - 48 |
23 |
| 17 |
Bolton |
23 |
5 |
7 |
11 |
29 - 44 |
22 |
| 18 |
West Ham |
24 |
4 |
9 |
11 |
30 - 40 |
21 |
| 19 |
Wolverhampton |
24 |
5 |
6 |
13 |
20 - 42 |
21 |
| 20 |
Portsmouth |
24 |
4 |
3 |
17 |
19 - 41 |
15 |
deeyoo_edit@hotmail.com
|