Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

 

John Terry oo laga xayuubiyay kabtanimadii Ingiriiska iyo Rio Ferdinand oo loo dhiibay.

06.02.2010, deeyoo.com.

Kabtankii xulka Ingiriiska John Terry ayaa laga qaaday mas'uuliyaddii kabtanimo kadib kulan gaaban oo dhex maray isaga iyo tababaraha xulka Ingiriiska Fabio Capello.

Kulankii Capello iyo Terry ee ka dhacay Wembley ayaa lagu qaatay go'aankan lagu sheegay inuu dan ugu jiro qaranka, ciyaariyahanka, tababaraha iyo dhamaan inta ku xeendaaban xulka. Sida ay sheegeen FA-ga oo maamula kubadda Ingiriiska waxaa kabtan cusub loo doortay Rio Ferdinand oo ku xigeen looga dhigay Steven Gerrard.

Go'aan qaadashadan ayaa ka danbeysay kadib fadeexaddii uu John Terry kala kulmay xaaskii hore ee Weyn Bridge miss Vanessa Perroncel oo uu la seexady iyo weliba xaaska Terry oo sheegtay in ay ka tageyso odeygeeda. Sidoo kale Weyn Bridge ayaa dhankiisa sheegay inuu ka fiirsanayo u ciyaaridda qaranka inta uu ka dhex arkayo saaxibkiisii hore Terry.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa si aad ah uga faalloonaya arimahan ku xeyn daaban kabtan Terry, iyaga oo uga faa'iideysanaya xiisaha ay leedahay iyo sidii ay lacag uga sameyn lahaayeen baafinta xumaanta xiddigan mowjaddu ku xuntahay.

Dhanka kale Tababaraha Chelsea Ancelotti ayaa sheegay inuu ku gacan siinayo kabtankiisa sidii uu uga bixi lahaa dhibkan haysta iyo inuusan marnaba ku fekerin ka wareejinta kabtanimada kooxdiisa Chelsea oo uu kabtan u ahaa tan iyo wixii ka danbeeyay sanadkii 2004tii, xilligaas oo uu kala wareegay Marcel Disailly, maamulka  kooxda Chelsea ayaa dhankooda sheegay in xiddigooda siinayaan waqti kasta uu u baahdo ilaa inta uu kasoo kabanayo mowjadaha hareeyay.

Terry ayaa lafdhabar u ah kooxdiisa Chelsea oo hogaanka u haysa horyaalka Ingiriiska iyo xulkiisa oo rajo weyn ka qaba in ay qaadaan koobka adduunka oo bilo yar kadib ka furmi doonaa dalka Koonfur Afrika magaalooyinkiisa kala duwan.

 

waxaa diyaariyay.

Mohamed A O (Deeq)

deeyoo_admin@hotmail.com

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com