Home

Somali Music

Somali video's

Chat Sports

Sports talk

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

  FA-ga oo soo saaray sharci Manchester City ku qasbay iney xaraashto cayaaryahano badan, Wenger oo ka qeyliyey.

Xidigaha cusub ee Man.City Bidix:David Silva, Yaya Toure iyo Aleksandar Kolarov

01.08.2010, deeyoo.com.

Xiriirka kubada cagta Ingiriiska ee FA-ga ayaa sharci cusub kusoo rogay kooxaha heerka 1aad ee Premier League ka dib fashilkii xulka Ingiriiska ee koobka aduunka sanadkaan iyo guuldarooyinkii ay sanadihii dambe kala kulmayeen tartamada heerka caalami.

Sharcigaan cusub ayaa kooxaha ku qasbaya iney soo gudbiyaan liiska cayaaryahanada u safan doono horyaalka sanadkan ugu dambeyn 14.08.2010 oo ku aadan bilowga horyaalka sanadkaan.

Kooxaha horyaalka ka qeyb gelaayo waxey soo gudbin karaan ugu badnaan 25 ciyaaryahan oo ugu yaraan 8 ka mid ah ay yihiin Ingiriis ama Wales ama ay ugu yaraan 3 sano lasoo qaateen kooxaha Ingiriiska ama Wales ka hor inta aysan gaarin 21 jir.

Hadii koox aysan heysan ugu yaraan 8 cayaaryahan ee kuwa kor ku xusan ah waxey soo gudbin karaan ugu badnaan 22 cayaaryahan iyadoo xidigaha ay da`dooda ka yartahay 21 sano ay kooxahooda u cayaari karaan iyadoo aan liiska lagu soo qorin.

Sharcigaan cusub ayaa loogu tala galay in xidigaha da`da yar ee Ingiriiska fursad loo siiyo iney kasoo dhex muuqdaan garoomada waqti hore si qaranka Ingiriiska u helo xidigo badan oo wax tar leh.

Inta badan kooxaha Premier League ayaa la dhacsaneyn sharcigaan cusub iyadoo kooxaha qaar uu dherbaaxo culus ku noqonaayo sida tusaale ahaan Man.City oo lacago badan ku qarash gareysay laacibiin cusub ayaa ku qasbanaaneysa in ugu yaraan sideed cayaaryahan ay xaraashaan maadaama ay hada u liis gareysan yihiin 38 cayaaryahan welina qaar kale usoo socdaan sida Mario Balotelli oo kasoo socdo Inter, 30ka soo hartay wey buuxin karaan karaan shuruudaha maadaama ay qaar badan oo da`yar ku jiraan.

Ragga sida weyn u mucaaradsan sharcigan cusub waxaa ka mid ah macalinka Arsenal Arsen Wenger oo sharcigan ku cusub ku tilmaamay mid musiibo ku ah kubada cagta, cayaaryahanada iyo weliba kooxaha Ingiriiska.

Arsenal kuma jirto kooxaha uu dhibka weyn kasoo gaaraayo sharcigan maadaama xidigahooda u badan yihiin 21 jir ka yar ama xidigo 3 sano lasoo qaatay kooxda ama kooxo kale oo Ingiriis ah ka hor intii aysan buuxin 21 jir.

Tusaale ahaan kabtanka Arsenal Fabregas wuxuu kooxda yimid isagoo 16 jir ah sidaa darteed waxaa loo qaadanayaa inuu Ingiriis yahay inkastoo dhalasho ahaan uu yahay Spain.

Sidoo kale waxaa sharcigan cusub dhaliilay macalinka Tottenham Harry Redknapp oo ku tilmaamay mid aan waxba soo kordhin doonin.

- Hadii xidigaha da`yarta ah ay wanaagsan yihiin waa la cayaarsiinayaa hadiise laguugu sanduleeyo inaad cayaarsiisid xidigo aan wanaagsaneyn waxey u dhasheen Ingiriiska dartiis waxey hoos u dhigeysaa awooda horyaalka. xidigaha dhalinta yar waa iney yihiin kuwo wanaagsan meeshii ay doonaanba haka yimaadeene ayuu yiri Harry Redknapp.

Kooxda Chelsea ayaa ka mid ah kooxaha uu sharcigan cuuryaamin doono, Shan ka mid ah xidigaha Chelsea ayaa shuruuda sharcigan cusub buuxin kara waxeyna kala yihiin John Terry, Ashley Cole, Frank Lampard, Ross Turnbull iyo Michael Mancienne, waxaa laga yaabaa in Cole uu ka tago maadaama ay baadi goobeyso kooxda Real Madrid halka labada cayaaryahan ee dambana aysan aheyn xidigo waa weyn sidaa darteed Chelsea waxaa loo ogolyahay keliya 22 cayaartoy inkastoo ay heystaan xidigo ka yar 21 sano oo ay isticmaali karaan.

Manchester united ayuusan sharcigan wax saameyn ah ku yeelan doonin maadaama ay heystaan cayaaryahano Ingiriis ah ama ugu yaraan 3 sano joogay dalka ka hor inta aysan buuxin 21 jir.

Dadka la dhacsan sharcigan cusub waxaa ka mid ah madaxa akademiyada Fulham Huw Jennings isagoo ku taliyey in sharcigan dib u eegid lagu sameeyo 5tii ama 10kii sanaba mar.

- Xidigaha da`da yar waa iney ismuujiyaan oo ay is xoreeyaan hadii ay ku wanaagsan yihiin kubada cagta maxaa yeelay waxey hada helayaan fursad weyn hadii la dhimo liiska cayaaryahanda kooxaha ayuu yiri Huw Jennings.

 

Asad A. Omar "afey"

deeyoo_edit@hotmail.com

 

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore


Listen & Download

Qur'an Karim

8 Tajwid like =
El-Husary, A-Baset, Al-Ghamdi, El-Shatery and more


Daawo Sallaxley TV



Fiirso Universal TV.



Fiirso Warsan TV.

 

 

 

 

 

 

 


 

©2009  www.deeyoo.com