Sport news

Other news

Somali songs

Somali video's

Chat

Sports conver

Contacts

 

Dhageyso  B B C
Saacadda 11:00
Saacadda 14:00
Saacadda 18:00
Dhageyso
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 4:00PM
Dhegeyso idaacada fiidnimo Saacadda 7:00PM
Dhegeyso idaacada dambe Saacadda 8:00PM


Click here to all somali links

Downloads

Qur'aan 114
Real Player
Flash Player
Java script
Veoh player
DivX Player
Audio Recorder
GOM video Player
FLV converter
 

Useful Links

Google
Gmail
Hotmail
Yahoo
Download
Youtube
dailymotion
Myspace
 

 

 

 

   Kooxda Barcelona oo gashay xilli kala guur ah

Xidigihii Barcelona ee 2006

15.05.2008, deeyoo.com

Naadiga weyn ee reer Spain Barcelona ayaa isku diyaarineysa is bedel weyn ka dib labo sano oo koobab la`aan ah iyo weiba qilaaf ba`an oo saameeyey laacibiinta kooxda, tababaraha iyo weliba mas`uuliyiinta kooxda.

Macalinka kooxda Frank Rijkaard ayaa noqdey qofka ugu horeeya ee ka taga kooxda markii shaqada laga ceyriyey todobaadkan isla markaana lagu bedelay Josep Guardiola oo ah 37 jir waqti badan usoo ciyaaray Barcelona hadana ahaa tababaraha kooxda junyarka Barcelona.

Waxaa jira warar isa soo taraya oo sheegaya in macalinka cusub uu albaabada u furay in kabadan 10 ciyaaryahan oo ay ku jiraan xidigihii laf dhabarka u ahaa kooxda isagoo door bidaya wejiyo cusub.

Ciyaaryahanada la hadal hayo iney kooxda isaga tagayaan waxaa ka mid ah Ronaldinho, Eto`o, Deco, Henry, Zambrotta, Gudjohnsen, Edmílson, Pinto, Giovani, Ezquerro, Thuram, Oleguer, Yaya Toure iyo Jorquera inkastoo ay adkaan doonto in dhamaan ciyaaryahanadaas ay suuq u helaan.

Ciyaaryahanda ay Barcelona doonayaan iney qaarkood lasoo wareegaan waxaa ka mid ah Kaka, Zlatan, Chivo, Materazzi, Essien, Fabregas, Drogba, Cech, Benzema, Silva, David Villa iyo ciyaaryahano kale

Ninka madaxda ka ah Barcelona Joan Laporta ayaa dhowaan soo hor dhigay gudiga fulinta ee naadiga Barcelona qorshe cusub oo ku aadan xaga soo gadashada ciyaartoyda isagoo soo bandhigay hab ciyaartoy isdhaafsi ah tusaale ahaan in Ronaldinho, Zambrotta iyo Deco ay ku bedeshaan Kaka taasoo la ogeyn sida ay ugu suuroobi doonto.

Ciyaaryahanada la hubo iney kooxda ka tagayaan waxaa ka mid ah Yaya oo dhanka Arsenal u wareegay iyo Deco oo maanta afkiisa ka sheegay inuusan sanadka soo socda xiran doonin maaliyada Barcelona.

Sidoo kale waxaa lasoo warinayaa in mustaqbalka kooxda ee madaxweyne Laporta shaki ku jiro maadaama laga yaabo in ninkii uu hore uga adkaaday uu hada soo rogaal celiyo isuna soo sharaxo madaxweynenimada kooxda isagoo ka faa`iideysanaya waqtiga adag ee ay kooxda gashay iyo kalsoonida sii yaraaneysa ee ay taageerayaasha iyo qaar ka mid ah ciyaartoyda ku qabaan Laporta. Lluis Bassat oo ah ninkii lagaga adkaadey doorashooyinkii hore ee 2003 ayaa sheegay in markan uu diyaar u yahay inuu la tartamo Laporta oo uu ku eedeeyay in mushkilada kooxda aysan hada bilaaban oo ay soo jiitameysey labadii sano ee ugu dambeysay isla markaana uusan si wanaagsan u maareyn Laporta.

Bassat ayaa dhanka kalena ku amaanay Laporta doorashadiisii Guardiola ee tababaranimada kooxda wuxuuna cadeeyey si kasta oo ay noqotaba inuu mar walbaba si wanaagsan ula shaqeyn doono tababaraha cusub oo ah shakhsi ay aad u jecel yihiin taageerayaasha Barcelona isagoo ku tilmaamay in magacaabistan uu waab ama difaac ka dhiganayo Laporta oo ay ka hakineyso eedeemaha badan ee ugu imaan lahaa gudiga kooxda.

Barcelona kulanka ugu dambeeya horyaalka sanadkaan waxey la kulmi doonaan kooxda Murcia iyadoo kulankaas ka hor ay hada Barcelona 18 dhibcood ka hooseyso kooxda ay sida weyn u tartamaan ee Real Madrid waxeyna qarka u saaran yihiin iney waayaan kaalin 3aad ee horyaalka Spain.


 

Asad A. Omar "afey"

deeyoo_edit@hotmail.com

 
 Halkan riix si aad deeyoo.com uga dhigato bogga hore