|
Wasaaradda
warfaafinta sportiga iyo dhalinyarada iyo giddiga olombikada
Soomaliyeed oo go’aan ku gaareen in ay si wada jir ah u qabtaan
tartamo sports oo lagu xusaayo maalinta dhalinyarada Soomaliyeed
ee 15 May
14.05.2008, deeyoo.com
Kulan ay yeesheen labada dhinac ayay
go’aan ku gaareen in maalinta 15-ka may la qabto tartamo
cayaared oo lagu weynenayo maalintasi.
Kulankaan ayaa waxa uu ka dhacay xarunta
madaxtooyada oo uu degan yahay Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna
wasiirka warfaafinta sportiga iyo dhalinyarada. Axmed
C/salaanXaaji waxana dhanka Gos wafdigii ka socday hogaaminayay
gudoomiye ku xigeenka 1-aad ahna gudoomiyaha xiriirka Kubadda
Koleyga Md Aadan Xaaji Yabaroow Wiish.
Xiriirada lagu wado in ay tartankaan
qabtaan ayaa kala ah xiriirka Kubadda Cagta Soomaliyeed,xiriirka
Kubadda Koleyga Soomaliyeed,Xiriirka Soomaliyeed Cayaaraha
fudud,xiriirka Karateeega Soomaliyeed, xiriirka kubadda gacanta
Soomaliyeed,waxana wafigii xiriirada matalayay eee ka qeyb galay
kulanka wasaaradda iyo gos dhexmaray oo uu hogaaminayay
Gudoomiye ku xigeenka Gos Md Wiish kamid ahaa gudoomiyaha
xirirka Kubadda gacanta Maxamed Xasan Xuurshe (Eenoow) Qadiijo
oo ah gudoomiye ku xigeenka xiriirka Cayaraha Fudud, iyo xubnmo
kale oo u ka mid ahaa gudoomiyaha xiriirka kubadda Laliska
Prof.Tooxoow.
Tartankaan lagu xusaayo maalinta 15-ka May
ayaa waxaa uu ka kala dhacayaa garoomada Ex-Luujino iyo garoonka
da’aada weyn ee Konis Stadium sida uu webseedka Deeyoo u shegay
gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Koleyga Ahna gudoomiye ku xigenka
!-aad ee Gudiga olombikada Soomaliyeed ee GOS. Mudane Aadan
Xaaji Yabaroow Wiish
Aweys Macalin Maxamed
Xafiiska deeyoo.com
Muqdisho-Somaliya
aweysmukay78@hotmail.com) |