|
Manchester
United oo hanatey horyaalka dalka Ingiriiska

11.05.2008, deeyoo.com
Manchester United ayaa noqotey horyaalka dalka Ingiriiska
markii sidii la saadaalinaayey ay kasoo badiyeen kooxda Wigan oo
ay 2-0 ku dhufteen taasoo quusisey rajadii yareyd oo ay Chelsea
ka qabeen hanashada horyaalka.
Chelsea oo rajadooda ku xirneyd iney badiyaan isla markaasna
ay caawin ka helaan Wigan ayaana dhicin iyadoo Wigan loo awood
sheegtay halka Chelsea daqiiqadii ugu dambeysey la bareejeeyey
kulankii ay la lahaayeen Bolton oo 1-1 kusoo dhamaadey.
C.Ronaldo ayaa kooxdiisa u dhaliyey gool rigoore ahaa qeybtii
hore ee ciyaarta waxaana horyaalka u xaqiijiyey Man.United
xidigooda ruug cadaaga ah Ryan Giggs markii uu goolkii labaad
daliyey 10 daqiiqo ka hor dhamaadkii ciyaarta, Giggs kulankan
wuxuu u ahaa mid taariikhi ah maadaama uu markii 7aad kooxdiisa
kula guuleystey horyaalka Ingiriiska, wuxuu dhaliyey goolkii
guusha isagoo tiigsadey iskoorka ah ciyaaryahanka saftey
kulamada ugu badan ee kooxda Man.United oo uu hore keli ugu ahaa
Bobby Charlton iyagoo saftey min 758, Giggs keli ayuu iskoorkaan
ku noqonayaa hadii uu dheelo kulanka finaalaha Champions League
oo ay 21ka bishan ku balansan yihiin kooxda Chelsea.
Andriy Shevchenko ayaa dhaliyey goolka Chelsea ka hor intii
uusan ilbiriqsiyadii ugu dambeeyey bareejeyn ciyaaryahan Kevin
Davies, Chelsea oo kulankaan ka gacan sareysey Bolton ayaa la
arkayey iney niyad jabeen laacibiinta Chelsea markii uu Giggs
goolkii 2aad u dhaliyey kooxdiisa hase yeeshee markii ay
ciyaarta dhamaatey ayey taageerayaasha Chelsea maqleen war
farxad geliyey markii kabtankooda Terry oo garoonka bareelle
looga qaadey dhaawac daran oo soo gaarey dartiis uu garoonka
kusoo wareegay ciyaarta ka dib isagoo u sheegay inuu diyaar
yahay 21ka May oo uu safan doono.
Macalinka Chelsea ayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aadan
hanashada horyaalka u diray dhigiisa United isagoo kuna
tilmaamay iney u qalmeen.
- Alex Ferguson waa tababare weyn, waa akhyaar runtiina waa
wax aan la rumeysan karin guulaha uu usoo hoyey Man.United,
qadarin weyn baan u hayaa sidaa darteed bogaadinteydu waa kal
iyo laab ayuu yiri tababare Avram Grant.
Man.United horyaalkan wuxuu u yahay kii 17aad waxeyna aad ugu
soo dhowaadeen Liverpool oo ah kooxda ugu horyaalka badan
Ingiriiska oo 18 jeer ku guuleysatey, 10 ka mid ah waxey ku
guuleysteen intii uu leylinayey Ferguson.
Kooxda Fulham ayaa si la yaableh uga baxsatey iney ku
laabtaan heerka 2aad markii ay badiyeen 4 ka mid ah 5tii kulan
ee ugu dambeysey iyagoo kulankii maanta banaanka uga soo badiyey
kooxda Portsmouth, waa markii ugu horeysey Fulham taariikhdeeda
horyaalka Ingiriiska oo ay 3 kulan oo xiriir ah banaanka kusoo
badiyaan iyadoo waqtigan ay aad ugu baahnaayeen.
Kooxaha Reading iyo Birmingham ayaa iyaga kulamadoodii maanta
badiyey hase yeeshee kuma filnaanin iney sanadka soo socda ka
ciyaaraan horyaalka Ingiriiska oo waxey kulaabanayaan heerka
2aad waxaana sedexeysa Deby oo goor hore u dhaadhacdey heerka
2aad.
Middlesbrough ayaa ceebeysey Man.City iyo macalinkooda markii
ay kulankii ugu dambeeyey horyaalka sanadkan kaga adkaadeen 8-1
taasoo meesha ka saareysa shaki kasta oo laga qabay in tababare
Eriksson sii heyn doono iyo inkale iyadoo maalmihii ugu
dambeeyey lasoo warinaayey in la ceyrin doono marka uu dhamaado
horyaalka.
Waxaa sedexdaas koox bedeli doono kooxaha Stoke, W.Bromwich
iyo mid ka mid ah kooxaha Hull, Bristol City, Crystal Palace iyo
Watford oo isa soo kala reebi doono.
Kulamadii maanta:
|
Chelsea-Bolton Wanderers |
1-1 |
| Derby
County-Reading |
0-4 |
|
Everton-Newcastle United |
3-1 |
|
Tottenham Hotspur-Liverpool |
0-2 |
| West Ham
United-Aston Villa |
2-2 |
|
Middlesbrough-Manchester City |
8-1 |
|
Sunderland-Arsenal |
0-1 |
|
Birmingham City-Blackburn |
3-1 |
|
Portsmouth-Fulham |
0-1 |
| Wigan
-Manchester United |
0-2 |
Kala horeynta kooxaha:
| 1 |
Manchester United |
38 |
27 |
6 |
5 |
80 |
22 |
58 |
87 |
| 2 |
Chelsea |
38 |
25 |
10 |
3 |
65 |
26 |
39 |
85 |
| 3 |
Arsenal |
38 |
24 |
11 |
3 |
74 |
31 |
43 |
83 |
| 4 |
Liverpool |
38 |
21 |
13 |
4 |
67 |
28 |
39 |
76 |
| 5 |
Everton |
38 |
19 |
8 |
11 |
55 |
33 |
22 |
65 |
| 6 |
Aston Villa |
38 |
16 |
12 |
10 |
71 |
51 |
20 |
60 |
| 7 |
Blackburn |
38 |
15 |
13 |
10 |
50 |
48 |
2 |
58 |
| 8 |
Portsmouth |
38 |
16 |
9 |
13 |
48 |
40 |
8 |
57 |
| 9 |
Manchester City |
38 |
15 |
10 |
13 |
45 |
53 |
-8 |
55 |
| 10 |
West Ham |
38 |
13 |
10 |
15 |
42 |
50 |
-8 |
49 |
| 11 |
Tottenham |
38 |
11 |
13 |
14 |
66 |
61 |
5 |
46 |
| 12 |
Newcastle |
38 |
11 |
10 |
17 |
45 |
65 |
-20 |
43 |
| 13 |
Middlesbrough |
38 |
10 |
12 |
16 |
43 |
53 |
-10 |
42 |
| 14 |
Wigan |
38 |
10 |
10 |
18 |
34 |
51 |
-17 |
40 |
| 15 |
Sunderland |
38 |
11 |
6 |
21 |
36 |
59 |
-23 |
39 |
| 16 |
Bolton |
38 |
9 |
10 |
19 |
36 |
54 |
-18 |
37 |
| 17 |
Fulham |
38 |
8 |
12 |
18 |
38 |
60 |
-22 |
36 |
| 18 |
Reading |
38 |
10 |
6 |
22 |
41 |
66 |
-25 |
36 |
| 19 |
Birmingham |
38 |
8 |
11 |
19 |
46 |
62 |
-16 |
35 |
| 20 |
Derby |
38 |
1 |
8 |
29 |
20 |
89 |
-69 |
11 |
Asad A. Omar "afey"
deeyoo_edit@hotmail.com |